10kii guuldarro ee ugu ceebta badneyd Premier League-ga

Waxaa dib usoo laabanaya Horyaalka Premier league ga oo hore loogu hakiyay cudurka Coronavirus dartiis, Halkaan, waxaan ku eegeynaa 10kii guuldarro ee ugu naxdinta laheyd qarnigan Premier League:

 


#10 Tottenham Hotspur 9-1 Wigan Athletic (23 NOV 2009)

 

Spurs ayaa faracididood ujirsatay in ay barbareyso rikoorkii goolasha guusha ee Man United ay dhigtay 15 ka hor wakhtigaas markii ay kooxda Ipwich 9-0 ku garaacday, laakiin ma aysan qaban karin wax intaas ka yar. Tottenham ayaa hogaanka ku heysay 1-0 aheyd qeybtii hore ee ciyaarta laakiin markii la soo laabtay shaqabaqa kooxda ku shubeen 8 gool oo kale, Jermaine Defoe ayaa shabaqa soo taabtay shan jeer, oo ay ku jirto seddexlwy uu dhaliyay todobo daqiiqo gudahood. Kooxda Wigan ayaa sharaf dhac badan kala kulantay guuldarradan aadka u xanuunka badan oo waxay markii dambe taageerayoosha dib ugu celiyeen lacagtii tigidhada safarka ah ee soo xaadiray ciyaaryta ka dhacday garoonka White hart Lane.



http://news.bbc.co.uk/sport2/hi/football/eng_prem/8365091.stm


#9 Southampton 8-0 Sunderland (18 OCT 2014)

Kooxda Sunderland ayaa dagaal ugu jirtay inay ka badbaado iney udhacdo horyaalka heerka labaad bakes kulanka rajadooda ayaa lasii dilay waxaana ku tumatay kooxda Southampton.

 

Graziano Pelle ayaa labo kamid ah goolasha dhaliyay, halka Jack Cork, Dusan Tadic, iyo Victor Wanyama ay mid mid ku darsadeen bandhiga. Waxaase ugu ceyb badnaa saddax kamid ah goolasha waxaa iska dhaliyay ciyaartoyda kooxda Sunderland




https://www.bbc.com/sport/football/29580147


#8 Newcastle United 5-1 Tottenham Hotspur (15 MAY 2016)

Tottenham oo la daaladhaceysa xanuunkii ka soo gaaray markii ay ka hartay tartanka loogu jiro horyaalka ayaa ubaahneyd inay guul ka gaarto kooxda Newcastle oo horeba loo xaqiijiyay iney udhacday heerka labaad, si ay uga sare marto Kooxda Arsenal booska 2-aad markii ugu horreysay 20 sano kadib.

Balse Newcastle ayaa la timid bandhig cajiib ah oo ay taageerayaashooda kaga farxiyeen markii ay iyagoo waliba 10 ciyaartooy ah 5-1 u dhiibeen kooxda Spurs


https://www.bbc.com/sport/football/36240333


#7 Middlesbrough 8-1 Manchester City ( 11 MAY 2008)


Inkasta oo kooxda Manchester City ay sare ukacday markii uu la wareegay Sheekh Mansuur hadana xasuusta kulankan kama gu’ doono.

 

Kooxda Middlesbrough ayaa ka faaiideysatay daafacyada kooxda City oo kulankaas lagu wareeray wax aka qaldanaa ciyaartii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka 2007/08.


http://news.bbc.co.uk/sport2/hi/football/eng_prem/7381794.stm


#6 Chelsea 6-0 Arsenal (22 MAR 2014)

Kooxda Gunners ayaa ku jirtay dhammaadka waayaha guuldarrooyin naxdin badan intii uu kooxda hayay tababare Arsene Wenger balse tani waxay kusoo beegantay kulankii ay buuxsantay kun kulan inuu hogaamiyay kooxda.


Ninka ay sida weyn uxifaaltamaan muddo badanna ay isdhaafsadeen hadallo kulkul ayaa dhinaca kale ka soo jeeda waa Jose Mourinho oo kooxda Chelsea markiisii 2-aad maamulaya.

 

Kooxda Chelsea ayaa guuldarro xanuun badan u dhiibtay kooxda Arsenal oo xilli ciyaareedkaasii iska dhiibtay hogaanka horyaalka marar badan.


https://www.bbc.com/sport/football/26590673


#5 Manchester City 6-0 Chelsea (10 FEB 2019)

Kooxda Chelsea ayaa guuldarrooyin la kulanytay marar badan balse tani ayaa ahayd tii ugu weyneyd ee ay la kulmaan sanadkii la soo dhaafay ciyaar ka dhacday garoonka Etihad.

Kooxda Man City oo ay u cadahay inay ka aarsadaan Chelsea oo kulankii hore 2-0 kaga badisay ayaa soddonkii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta soo bandhigay goolashooda.

Sergio Aguero ayaa ka dhilayay saddaxley, Raheem Sterling aytaa sidoo kale dhaliyay labo gool halka Gundogan uu ka dhilayay gool rigoore ahaa.


 

https://www.bbc.com/sport/football/47106070


#4 Manchester United 8-2 Arsenal (2011)

 

Cudurdaarrada markaas ay sheeganeyeen tageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa ahaa inay ka tageen Fabregas iyo Nasri sidoo kale na ay harreeyeen dhaawacyo ku yimid ciyaatooydii markaas joogtay lakiin wixii ku qabsaday Old Traford ayaa noqotay guuldarradii ugu weyneyd ee Arsenal ay la kulanto intii uu jiray horyaalka Premiere league ga.

Weyne Rooney ayaa saddexley ka dhaliyay, Young ayaa isna laba kamid ah goolasha shabaqa soo taabsiiyay sidoo kale Nani, Welbeck iyo Ji Sun Park ayaa igagana ku darsaday, halka dhinaca kale V Persie iyo Walcott ay u dhaliyeen kooxda  Arsenal.




https://www.bbc.com/sport/football/14606020


#3 Stoke City 6-1 Liverpool (24 MAY 2015)


Kooxda Liverpool ayaa la rajeynayay inay Steven Gerrard macasamaaleyn xasuus badan siin doonaan kulankiisii ugu dambeeyay ee waayihiisa horyaalka Ingiriiska laakiin waxaa si lama filaan uga dhaxgashay kooxda Stoke City oo garoonkooda libaaxyo ku ahaa marmar qaar.

Kooxda Stoke ayaa goolasha ciyaarta gaarsiisay 5-0 muddo yar gudaheed, muddo kadib Gerrard oo waayihiisa Liverpool lagu xasuusto inuu hogaanka qabto marka ay kooxda ubaahantahay inay ka dabo imaato marka goolal lagala hormaro ayaa shaqaqa soo taabsiyay gool isagoo ciyaarta ka dhigay 5-1.

Liverpool waxaa ku adkaatay  inay ka dabo imaadaan waxaana u dhameystiray ciyaaryahan Peter Crouch oo hore ugu soo ciyaaray Liverpool sidaasna ku dilay rajadii ahayd inay iska yareeyaan tirade goolasha

https://www.bbc.com/sport/football/32770765


#2 Southampton 0-9 Leicester City (25 OCT 2019)

Kooxda Leicester City ayaa la soo ifbaxday bandhig cajiib ah markii uu hogaanka uqabtay tababare Brendon Rodgers iyagoo ku tuntay Southampton rikoor cusub na diiwaanka ciyaartaaha horyaalka ingiriiska gashtay

 

Jamie Vardy iyo Ayoze Perez ayaa dhaliyay saddaxley ayaa dhaliyay min hal saddaxley markii 2-aad taariikda horyaalka oo ay laba ciyaartooy hal kulan dhaliyaan saddaxley, waxaa sidaas horey usameysay kooxda Arsenal oo isla Southampton 7-1 kaga badisay sanadkii 2003 dii ciyaaryahannada kala ah Pires iyo Pennant ayaa min saddax jeer shabaqa soo taabtay.

 

Kooxda Leicester City ayaa soo barbarreeyay rikoorkii goolasha guusha ee Man United sidoo kale waxay dhigeen mid cusub iyagoo noqday kooxda goolasha guusha ugu badan ku guuleystay iyagoo marti ah.


https://www.bbc.com/sport/football/50092694


#1 Manchester United 1-6 Manchester City (2011)

Guuldarrooyinka noocaan ah waxay noqdeen kuwo aan xanuun badneyn intii uu banneeyay Sir Alex Ferguson maamulka kooxda Man United balse tani waxay ahayd mid uu isaga markhaati ka ahaa.

 

Kooxda Man City ayaa ku damaashaadayay waayo cusub oo leylinayo Roberto Mancini waxayna kooxda horyaalka difaacaneysay garoonkooda ku cabsiiyeen 6-1, guuldarradan ayaa ahayd tii ugu weyneyd uu lagu gaarsiiyo gurigooda tan iyo 1955 tii.

 

Edin Dzeko iyo Mario Balotelli ayaa min labo jeer shabaqa soo taabtay. Ballotelli ayaa kulankan soo bandhigay dabaaldeggii caanbaxay ee 'Why always me?


https://www.bbc.com/sport/football/15325536

 



Comments

Popular posts from this blog

Hibo waa tee?