Hibo waa tee?
Hibooy Hibooy Hayaay Hibooy!! Hibada Mustaqbalkaaay!!!
Hooyaalayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey!!!!!!! hahhahahaha
Hooyaalayeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey!!!!!!! hahhahahaha
Hibooy Qaabkaagan iyo
Quruxudaa Rabi kuu Dhashiyo
Walibaa Qalbigaaga Furan
Ayaa Qof Waliba
Dareen Qushuucle ku beera oo
Qadarin Waad Mudantahee
Quruxudaa Rabi kuu Dhashiyo
Walibaa Qalbigaaga Furan
Ayaa Qof Waliba
Dareen Qushuucle ku beera oo
Qadarin Waad Mudantahee
Inaan Murti Qaayo Badan
Qadaa Iga ah oon ammaan
Qayrkaaba Ku dhaafiyaa
Jacaylbaa Igu Qasbee
Qadaa Iga ah oon ammaan
Qayrkaaba Ku dhaafiyaa
Jacaylbaa Igu Qasbee
Howraartani Qaaliga ah Ku
Qoro Laabtiyo Wadnaha
Hibooy ku qoro Laabtiyo
Wadnaha
Qoro Laabtiyo Wadnaha
Hibooy ku qoro Laabtiyo
Wadnaha
Hibooy Qosolkaagan iyo
Dibnahaa Qalinka leh madaw
Timaha Kala Qaybsanee
Dabayluhu Qaadayaan
Qooraansi Jaleecadooda
Ayaa Qiro Igu Unkee
Dibnahaa Qalinka leh madaw
Timaha Kala Qaybsanee
Dabayluhu Qaadayaan
Qooraansi Jaleecadooda
Ayaa Qiro Igu Unkee
Inaan Murti Qaayo Badan
Qadaa Iga ah oon ammaan
Qayrkaaba Ku dhaafiyaa
Jacaylbaa Igu Qasbee
Qadaa Iga ah oon ammaan
Qayrkaaba Ku dhaafiyaa
Jacaylbaa Igu Qasbee
Howraartani Qaaliga ah Ku
Qoro Laabtiyo Wadnaha
Hibooy ku qoro Laabtiyo
Wadnaha
Qoro Laabtiyo Wadnaha
Hibooy ku qoro Laabtiyo
Wadnaha
Comments
Post a Comment