Waxaa dib usoo laabanaya Horyaalka Premier league ga oo hore loogu hakiyay cudurka Coronavirus dartiis, Halkaan, waxaan ku eegeynaa 10kii guuldarro ee ugu naxdinta laheyd qarnigan Premier League: #10 Tottenham Hotspur 9-1 Wigan Athletic (23 NOV 2009) Spurs ayaa faracididood ujirsatay in ay barbareyso rikoorkii goolasha guusha ee Man United ay dhigtay 15 ka hor wakhtigaas markii ay kooxda Ipwich 9-0 ku garaacday, laakiin ma aysan qaban karin wax intaas ka yar. Tottenham ayaa hogaanka ku heysay 1-0 aheyd qeybtii hore ee ciyaarta laakiin markii la soo laabtay shaqabaqa kooxda ku shubeen 8 gool oo kale, Jermaine Defoe ayaa shabaqa soo taabtay shan jeer, oo ay ku jirto seddexlwy uu dhaliyay todobo daqiiqo gudahood. Kooxda Wigan ayaa sharaf dhac badan kala kulantay guuldarradan aadka u xanuunka badan oo waxay markii dambe taageerayoosha dib ugu celiyeen lacagtii tigidhada safarka ah ee soo xaadiray ciyaaryta ka dhacday garoonka White hart Lane. http://news.bbc.co.uk/sport2/hi/fo...
Comments
Post a Comment